|
Jalalaqasi,(insidesomalia.org)-Ciidamo Itoobiyaan ah oo la sheegay in ay ka soo ruuqaansadeen Magaalada Buulo Barde ee Gobolka Hiiraan kuna sii jeedey Gobolka Shabelaha dhexe, kuwasi oo marayay meel ku dhaw Degmada Jalalaqsi watayna ilaa 4 gaari oo ahaa nuuca Uralada ah ayaa waxaa lagu waramayaa in dagaal xoogan ay kala hor tageen Xoogag Diidan joogitaankooda Ciidammda itoobiya ee Dalka Soomaaliya.
Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa ay wararka laga helooyso sheegayaan in CiidamadaItoobiyaanka looga Gubay labo ka mid ahaa Gaadiidkooda oo ay xoogaga ka soo horjeeda la heleen Gantaalha Garabka laga Tuuro.
Ciidamadii Itoobiyaanka ayaa waxaa ay si dirqi ah uga Gudbeen halka uu Dagaalka ku qabsaday, iyagoo u soo fakaday Gobolka Shabelaha dhexe oo ay markii hore ku soo jeedeen lamana oga illaa iyo hada qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee soo gaaray Ciidamada itoobiyaanka.
Gaadiidka Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waday sida la sheegay Meeydadka Ciidamadii shalay uga geeriyooday Dagaalkii shalay ku qabsaday inta u dhexeeysa Deegaanka Garisiyaan iyo halgan ee Gobolka Hiiraan kuwaasi oo meeydka doonyay in ay ka dhoofiyaan Garoonka Diyaaradaha Degmada Jowhar ee Gobolka Shabelaha dhexe.
Dadka deegaanka uu dagaalka ku dhex maray Ciidamada Itoobiyaanka iyo Xoogag ka soo hor Jeeda ayaa waxaa ay saxaafada u sheegeen in ay arkayeen Labadii Gaari ee ka hartay kolanyadasi oo sii jiidanay Labdii Gaari ee laga Gubay, kuwasi oo u soo Fakaday dhanka Gobolka Shabelaha dhexe.
Shalay ayeey aheeyd markii dagaal xoogan oo sidan oo kale ah lagula eegtay CiidamadanItoobiyaanka ah deegaanka Garisiyaan ee Gobolka Hiiraan, kasi oo ay dhibaato xoogan kal kulmeen.
|